Sawirro-Ciidanka Puntland oo gurmad gaarsiiyey qaybo kamid ah gobolka Mudug.

Ciidamadda Amniga Puntland ee magacooda loo soogaabsho PSF ayaa maanta Deeq gaarsiiyey dadka iyo duunyada  abaartu waxyeelaysay, deeqdan ayaa iskugujirtay Raashin iskugujiray Bariis,Sonkor,Bur,Timir,Caanobore iyo saliida cuntada lagu darsado.

Waxa sidoo kale deeqdaas kamid aha Shidaal,matoorada  biyaha loogu talagalay iyo Daaawo, waxayna gararsiiyeen deeqdaan  Deegaanka Balibusle oo katirsan degmada Jariiban ee Gobolka mudug,

Macaawinadaan oo ay ciidamadu kasoojareen mushaaraadkooda ayaa waxay ugu talagaleen qoysaska danyarta ah ee abaartu saamaysay,

Balibusle oo leh sadex ceel biyood oo ah kuwa matoorada ayaa waxa shaqeynayey markii ay saaka tageen hal ceel oo kaliya ,labadii ceel ee biyaha ayaa midu ufadhiyaa cilad waxayana kudeeqeen PSF lacag loogusoo iibsho qalabka kaciladaysan matoorka biyaha,

Sidoo kale waxay ciidamada PSFtu xaliyeen muran iyo isku haysi laxiriiray ceelka sadexaad   kadib markii ay kulan saacado badan qaatay layeesheen dadkii iskuhaystay iyo maamulka iyo odayaasha deegaanka balibusle

waxayna ciidamada psf kuguulaysteen in isla galbtadaba ceelkaas ay kacabaan dadka ,maagaladaas gudaheeda  kunoool ,iyo kuwa xoolo dhaqatadaa ,taas oo ay soo dhaweeyeen maamulka ,waxgaradka  iyo odyasha deegaankaas,

waana markii sadexaad oo ciidamada psf ay gaarsiiyeen deeqdaan oo kale ,dadka iyo xoolaha abaartu saamaysay waxayana horay deeqdaan oo kale gaarsiiyeen  xerojaalle oo katirsan Galdogob iyo Kaamka Taallo cad oo katirsan Gaalkcyo iyo maanta oo ay gaarsiiyeen Balibusle oo katirsan Degmada Jariiban,

SAWIRRO

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 IMG_6177 IMG_6178 IMG_6179 IMG_6184 IMG_6185 IMG_6197 IMG_6199 IMG_6201 IMG_6215 IMG_6224 IMG_6226 IMG_6227 IMG_6229 IMG_6230 IMG_6231 IMG_6235 IMG_6236 IMG_6237

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com