Sarkaal sare oo Soomaaliland iyo ciidamo uu wato oo Puntland isku soo dhiibay

Sarkaal sare oo Soomaaliland iyo ciidamo uu wato oo Puntland isku soo dhiibay

Sarkaal sare oo  ka tirsanaa ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa isku soo dhiibay maanta dowladda Puntland. Sarkaalkan ayaa waxaa lagu magacaabaa Korneel Muuse Axmed Yuusuf, wuxuuna ka soo ambabaxay jiidda hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Korneel Muuse Axmed ayaa sheegay in sababta uu uga soo baxay maamulkii uu katirsanaa ay tahay caddaalad-darro ka jirta Somaliland iyo talada oo ay maroorsadeen beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Muuse Biixi.

Horay waxaa  duleedka degmada Qardho ku sugnaa Korneel Caarre iyo ciidamo xooggan oo uu wato oo ka soo goostay Soomalailand, magangalyana ka helay Puntland.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com