Sarkaal katirsan maxkamadda sare ee Puntland oo lagu weeraray Bosaso

kooxo ku hubaysan bastoolad ayaa habeenimadii xalay weeray masuul katirsan maxkamadda sare Puntland, kaasi oo ah guddoomiye kuxigeenka labaad ee maxkamadda laguna magacaabo Siciid Muumin.

Sarkaalka la weeraray ee katirsan laamaha garsoorka aya dhaawac fudud uu kasoo gaaray weerarka, waxaana uu kadhacay xaafadda Laanta Hawada ee Bosaso.

Laamaha ammaanka ee gobolka Bari ayaan ka hadlin dhacdadan.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, waxaana la sheegin inay dad usoo qabteen iyo in kalle.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com