Sarkaal Katirsan Alshabaab iyo Ilaaladiisii oo Nolol lagu Qabtay (Gaalkacyo)

Sarkaal Katirsan Alshabaab iyo Ilaaladiisii oo Nolol lagu Qabtay (Gaalkacyo)

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in howlgal ay iska kaashadeen ciidamada amaanka maamulada Galmudug iyo kuwa Puntland lagu qabtay sarkaal sare oo katirsan AlShabaab.

Howlgalka wadajirka ah ay fuliyeen ciidamada labada maamul ayaa lagu qabtay sargaalka kooxda AlShabaab oo si weyn looga baadi goobayay magaalada Gaalkacyo, waxaana sargaalkan horey loogu eedeeyay in uu maleegay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalka AlShabaab ee la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaan (Caloolgeel, waxaana ninkan uu ahaa Taliyihii howl galada kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa Gaalkacyo.

Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay afar nin oo la sheegay in ilaalo u ahaayeen sargaalkan Al Shabaab u qaabilsanaa howlgalada Gaalkacyo, waxaana xubnahan lagu xiray xabsi gaar ah oo si weyn loo ilaalinayo.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaan wali ka hadlin howlgalka ka dhacay Gaalkacyo ee lagu soo qabtay sargaalka, laakiin waxaa la filayaa in ay dhawaan faahfaahino dheeraad ah ka bixin doonaan howlgalka lagu soo qabtay Caloolgeel iyo xubnaha kale ee Alshabaab (arag hoos iyo faahfaahinta qabashada Caloolgeel iyo taariihdiisa dilalka iyo qaraxyada magaalada Gaalkacyo).

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Sirdoonka Puntland iyo Galmudug oo Mar Kale Gacanta ku Dhigay Ina Caloolgeel, Huggaanka Hawlgalada AlShabaab Mudug

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com