Sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugidda Puntland oo caawa lagu dilay Garoowe.

Garoowe, Aug, 27 – Allaha u naxariistee waxaa caawa lagu dilay magaalada Garoowe Xirsi Jamac Dhangad oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka nabadsugidda ee Puntland xilli uu ka soo baxay masaajid salaaddii taraawiixda ka dib.

Dilkaan ayaa waxaa geystay rag bastoolado ku hubaysan oo baxsaday dilka ka dib, waxaana isla markiiba goobta shilku ka dhacay isku gadaamay ciidamada bileyska ee Puntland, mano jirto cid dilkaasi loo qabtay ilaa iyo hadda sida ay Radio Daljir u sheegeen laamaha amnigu.

Marxuunka ayaa isla caawaba lagu aasay qabuuro ku yaalla duleedka magaalada Garoowe, mana jiro ilaa hadda war rasmi ah oo la xiriira dilkan oo ka soo baxay dawladda Puntalnd.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com