Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Dowladda oo qarax ku dhawacmay

Jeneraal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa goor dhow ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho, kaasoo ahaa mid ka dhashay gaari uu watay.

Sida wararku sheegayaan Jeneraalka ayaa lagu magacaabaa Maxamed Dhoore, waxaana qaraxa uu ahaa kuwa gaadiidka lagu xiro.

Xilliga qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Gaariga uu ku sugnaa Xarunshidaal uu ka qaadanayay, oo ku taal degmada Xamar Jajab.

Jeneraalka ayaa Dhaawiciisa loo qaaday goobaha caafimaadka, waxaana qaraxa gaarigiisa soo gaaray burbur, iyadoo qaraxana uu xaruntii shidaalka uu ka qaadanayay.

Inta badan qaraxyada lagu xiro gaadiidka gaarka loo leeyahay ayaa ka mid ah falalka qorsheysan ee Al-Shabaab wax ku disho, kuna ugaarsato Mas’uuliyiinta, Shaqaalaha iyo saraakiisha Ciidamada ee ka tirsan dowladda Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com