Sarkaal ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibey gobolka Baay

Sarkaal ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibey gobolka Baay

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al shabaab ayaa shalay isku soo dhiibey maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay waxaana lagu magacaabaa Ibraahin Maxamed Aadan Ibraahin Boolis, waxa uu Al shabaab u qaabilsanaa madaxa Maaliyada  iyo  Sirdoonka degmada Bardaale  ee gobolka Baay .

Sarkaalkan oo si wayn looga yaqaaney deeganada hoos yimaada Bardaale maadaama uu lacago ka qaadi jirayn deegaanadaas isaga oo watey Qori AK47 ah .

Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isxaaq Araxas  oo la hadlay warbaahinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inuu xiriiro la soo sameeyey maamulka degmada .

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Maxamed Isxaaq Araxas ayaa baaq u direy dhallinyada ka tirsan Al-ahabaab,  isaga oo tixigalineya baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur galbeed Mudane  Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta–gareen) ,in ay  isku soo dhiibaan Maamulka Degmada Bardaale oo ay  ka faa’iideystaan cafiska ay u fidisey Dowladda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com