Sarkaal hore Qaloombi “Bosaso waxa ay u baahantahay sirdoon lab iyo dhedig oo uma baahna argagax gelin” (dhegayso)

Sarkaal hore Qaloombi  “Bosaso waxa ay u baahantahay sirdoon lab iyo dhedig oo uma baahna argagax gelin” (dhegayso)

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa howlgalo guri guri lagu baarayo ka wada magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland oo dhowaan lagu dilay maamulihii shirkadda P&O Ports Paul Farmosa.

Howlgalka ayaa sidoo kalle isugu jira mid ciidamada ammaanka ay ku baarayaan gaadiidka kalle duwan ee magaalada dhex socda, waxaana laga baarayaa hubka nuucyadiisa kalle duwan.

Haddaba shacabka Puntland ee magaalada Bosaso ayaa aad usoo dhoweeyey howlgalada, inkasta oo dadka arrimaha ammaanka aad ugu dhuun daloola ay dhaliilo u jeedinayaan qaabka ciidmada ammaanka ay howlgalada u wadaan oo ah mid argagax gelinaya dadka shacabka, iyagoona qoryaha ay ku fiiqayaan dadka shacabka, taasi oo wax u dhimi karta wada shaqaynta shacabka iyo booliska.

Maxamuud Cabdi Cumar Qoloombi oo ah sarkaal hore oo dhanka ammaanka kasoo shaqeeyey ayaa qaba ciidamo badan inaan loo baahnayn oo gaadiid wata, balse loo baahnaa oo kaliya sirdoon lab iyo dhedis isugu jirta, howlgaladuna ay noqdaan kuwa ku qotomo xuuraan iyo xog helis.

Hoos kadhegayso Maxamuud Cabdi Ibraahim ayuu u waramay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com