Sarkaal Daacish ka tirsanaa oo ku geeriyooday xabsiga Muqdisho

Sarkaal Daacish ka tirsanaa oo ku geeriyooday xabsiga Muqdisho

Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin oo haystay dhalashaada wadanka Ruushka  ayaa  xabsiga wayn ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday maanta  xanuun hayay  mudo todobaad ka badan .

 

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maxbuuskan horay ugu xukuntay xabsi gaaraya 15 sano.

Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin ayaa horay uga balan qaaday  hoggaamiyihii hore ee Daacish Abuu Bakar Al Baqdaadi  in Daacishta Syria iyo Ciraaq oo kale uu ka sameynayo Soomaaliya sida uu ka hor sheegay maxkamada horteeda ka hor inta uusan geeriyoon.

 

Xabsiga magaalada Muqdisho dhawaan waxaa  ku geeriyooday maxbuus ku xanuunsaday isagoo taliyihii  xabsiga xilligaas uu u diiday in lagu  maxbuuska loo qaado isbitaal gaar loo leeyahay.

 

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com