Sargaal Al-shabaab lacago u uruurin jiray Mombasa oo la qabtay

Axad, May 17, 2015 (Daljir) — Booliska la dagaalanka argagexisada ee dalka Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay sarkaal la sheegay inuu Al-shabaab lacago uga soo uruurin jiray magaalada Mombasa ee dalkaasi Kenya waxana sidoo kale uu ahaa qof u askareen jiray dhalinyarada wadankaasi Kenya.

Sarkaalka la qabtay ayaa lagu magaacabay Abdalla Salim Bindo waana 45-sano jir. Taliyaha booliska magaalada Mombasa Robert Kitur ayaa sheegay in su’aal waydiin ay ku socota sarkaalkaasi.

Waxaa uu madax ka ahaa degaanka Likoni oo loo diiwan galiyay meelaha ay xubno la tuhmaayo Al-shabaab ay ka dhaq dhaqaaqayaan. Mobilka sarkaalkan ayaa laga helay xiriira uu gudaha kula soo sameeyey saraakiil Al-shabaab ka tirsan.Maalinta Isniinta ayaa la sheegay inuu kasoo muuqdo maxkamad ku taala wadankaas

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com