Sare-u-kac ku yimid qiimaha rootiga ee magaalada Garoowe iyo shacabka oo cabanaya (dhegayso )

Sare-u-kac ku yimid qiimaha rootiga ee magaalada Garoowe iyo shacabka oo cabanaya (dhegayso )

Halka xabo ee rootiga ah ayaa magaalada Garoowe waxa uu marayaa qiimo dhan 4 kun oo shilinka Soomaaliga ah, halka markii hore uu ka ahaa 2 kun oo shilin Soomaaliga ah.

Shacabka ayaa sheegay in qiimaha intaas le’eg aysan ku iibsan karin Rootiga. Wasaaradda  Ganacsiga  iyo Warshadaha Puntland ayey  shacabku ugu baaqeen in ay arrintan soo faragaliyaan.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Bosaaso sidan oo kale qiimihii rootiga ay  kordhiyeen warshadaha rootiga ee Magaalada Bosaaso, waxaan looga hadlay Barnaamijka Muuqaalka Bulshada oo maalinkasta ka baxa radio Daljir,  taas oo keentay in maalmo kadib iskaashatada warshadlayda Bosaaso ay qiimii rootiga qaarkood ay halkiisii hore ku sooceliyeen.

Hoos ka dhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com