Saraakisha kenya oo ka hadlay weerar lagu qaaday iskuul

Saraakisha kenya oo ka hadlay weerar lagu qaaday iskuul

Saraakiisha Amaanka Dalka Kenya ayaa magacaabay Saddex Qof oo la xaqiijiyay in ay ka dambeeyeen weerar jimcihii lagu qaaday Iskuul ku yaalla Magaalada Gaarisa halkaas oo lagu dilay saddex Qof oo aan dadka degaanka ahayn.

Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha amniga Gobolka waqooyi Bari ayaa sheegay in Ragga weerarkaas fuliyay ay kalayihiin Maalim Yusuf Abdullahi, Daud Ahmed Mohamed iyo Abdirashid Ibrahim Osman.

Maxamuud Saalax,waxaa uu sheegay Macallin Cabdullahi uu yahay Ninka hoggaaminayay weerarkaas,kaas oo uu sheegay in uu ka soo jeedo degaanka Bojigaras,isaga oo xusay in uu yahay Xaasle saddex carruur ah leh.

Maxamuud ayaa laamaha amaanka ee gobolka faray in la soo qabto Bare Cabdullahi iyo Ragga la shaqeynayay ee weerarkii lagu qaaday Dugsiga Qarsaa ka dambeeyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com