Saraakisha Dowladda Somaaliya oo dilay Ajaanib katirsan Alshabaab

Ciidamada Sida gaarka ah utababaran ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku guulaysteen khaarajinta Saraakiil ka tirsan Al Shabaab kadib howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Sida ay Dalsn ay uxaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ee gobolka Shabeellha Hoose Dhimshada Labadasi Sarkaal.

Howlgalkan Lagu dilay saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa ahaa mid mudooyinkan dambe ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ku daba jireen waxa uuna noqday howlgal sidii la rabay udhacay.

Zubeyr Almuhaajir, waxa uu kamid yahy Saraakiisha Ajaanibta ah ee lagu dilay degaanka Buulo Mareer waxa uuna uqaabilsanaa Tababarada Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose Sidoo kale waxaa howlgalka lagu dilay Sarkaal kale oo lagu magacaabo Macalin Cumar.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com