Saraakisha Ciidanka Puntland ee Gobalka Cayn oo ka hadlay Xaladda gobalkaas iyo dhaq dhaqaayo ciidan oo jira (dhegayso)

Saraakisha Ciidanka Puntland ee Gobalka Cayn oo ka hadlay Xaladda gobalkaas iyo dhaq dhaqaayo ciidan oo jira (dhegayso)

Cabdiraxman Cabdilaahi Axmed Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Gobolka Cayn Gaar ahaana Puntland ayaa Ka Hadlay Xaalada Guud ee Gobolka Cayn Waxaana uu si Faahfaahsan uga Hadlay Xaalada siyasadeed ee Gobolka Cayn isaga oo ku Tilmaamay Jaahwarer.

Dhanka kale Waxa uu ka Hadlay Warar Sheegaya in Ciidanka uu ka mid yahay Heshiis La Gaadhen Somaliland isaga oo Beeniyey Warkaas Waxa uu sheegay inaysan jirin Arintaas Balse Hadii Puntland ka Gaabisa Cabashadooda aysan Jirin Cid u Xidhan Cid Gaar ah

Dhanka kale Waxa uu Shaki Galiyey Duulanka Puntland Sheegtay in ay kusoo Celin Doonto Gobolka Sool isaga oo sheegay in arrintaas ay Tahay Waxa ay Sugayaan Balse aysan Hada ka Muuqan Puntland Sida uu Hadalka u Dhigay.

Geesta Kale Waxaa uu Ka Biyo Diiday Afwayne Ciidamo Puntland ka Qoranayso Gobolka Cayn isaga oo Sheegay in Ciidamada la Qoray ay Halis ugu Jiraan inay Somaliland u Gacan Galan inta ay Puntland Dayacdo Sida uu Hadalka u Dhigay.

ugu Danbayntii Cabdiraxman Cabdilaahi Axmed Nuur Waxa uu ugu Baaqay Puntland inay ilaashato Shacabka Deegaanka SSC Gaar ahaana Gobolka Cayn Isaga oo Farta ku Fiiqay Dhaq Dhaqaaqa Somaliland ee Deegaanka

Axmed Maxaed Nadiif ayuu u Waramay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com