Saraakisha Ciidamada Danab oo sheegay inay dileen xubno ka tirsan Alshabaab

Saraakisha Ciidamada Danab oo sheegay inay dileen xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga dagmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, waxay ku dileen 6 ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro Madaxihii maaliyadda Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War kasoo baxay taliska Ciidanka xoogga ayaa lagu sheegay in shaqsiga la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman).

Waxaa warka lagu sheegay in uu qaabilsanaa aruurinta Canshuuraha Al-Shabaab gobolka Shabeellaha, islamarkaana lala dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen saldhigyo ay la haayeen Al-shabaab.

Ciidanka ayaa tilamaamay in ay soo saareen Miinooyin Al-Shabaab ay galiyeen wadooyinka oo ay doonayee in ay la beegsadaan taliska Ciidanka xoogga.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan warka Ciidanka dowladda ee ah in ay dileen Mas’uul ka tirsanaa Shabaab.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com