Saraakisha Booliska DFS oo ka hadlay nin Ajnabi ah oo lagu dhaawacay Xabsiga Muqdisho (Daawo)

Saraakisha Booliska  DFS oo ka hadlay nin Ajnabi ah oo lagu dhaawacay Xabsiga Muqdisho (Daawo)

Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. C/kariin Cali Afrax ayaa ka hadlay wararka sheegaya in maxaabiis Daacish ah ay habeen hore ku dhaawaceen xabsiga Dhexe nin Ajnabi oo maxbuus ah, kaasoo dhowaan laga soo xiray Garoonka Muqdisho, kaddib markii lagu qabtay walxo laga shakiyay oo uu diyaarad la raaci rabay.

Taliye kuxigeenka ayaa sheegay in labo ruux oo isugu jiray Shabaab iyo Daacish ay isku dayeen inay dhib gaarsiiyaan, balse arrintaas uu ka war helay Taliyaha Xabsiga, kaasoo fashiliyay qorshahaas.

Waxaa uu sheegay in Saraakiil ajnabi ah oo ka socday Shirkadda Bancraft iyo kuwa kale ay soo booqdeen ninka ajnabiga ee u dhashay dalka Ingiriiska, isla markaana ay qireen in aysan wax dhib ah gaarin.

Taliye kuxigeenka ayaa sheegay in Xabsiga ay ku xiran yihiin dambiilayaal kala duwan oo isugu jiray Daacish iyo Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com