Saraakisha AMISOM oo shaaciyeey qorshihii Somaaliya Kaga Bixi lahayeen

HomeWararka

Saraakisha AMISOM oo shaaciyeey qorshihii Somaaliya Kaga Bixi lahayeen

War-saxaafadeed uu soo saaray Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa ku dhawaaqay i

Saraakisha kenya oo ku eedeyeey Alshabaab Afduubashada Shacab iyo Gawaaridoodi
Lacagta Shiling Somaaliga ah oo kuyaaratay Suuqyadda Sarifka Buuhodle (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

War-saxaafadeed uu soo saaray Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa ku dhawaaqay inay wadaan Dhaqdhaqaaqyo Ciiddan oo qeybta ugu horreysa ee Ciiddanka AMISOM kaga bixi lahaayeen Somalia sannadka soo socda ee 2018-ka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dhaqdhaqaaqyadda ka socdaan dhamaan Fariisimadda AMISOM, si loo bilaabo daad-gureyntooda, sida ku cad Qaraarkii ay sannadkan soo saareen Golaha Ammaanka ee QM ee uu Tirgiisu ahaa 2327.

Qaraarkaasi ayaa lagu qeexay Istaraatijiyadda ay Ciiddanka AMISOM si tartiib-tartiib ah uga soo bixi lahaayeen Somalia oo ay joogeen tan iyo sannadkii 2007-dii.

Ambassador Francisco Madeira waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Qaranka Somalia ku wareejin doontaa Hawlaha Amniga, wuxuuna ugu hambalyeeyey Tababrka ay qaateen iyo awoodda ay u leeyihiin Mas’uuliyadda Sugidda Ammaanka Somalia.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: