Saraakil AMISOM ka tirsan oo booqday Xarunta dadka danyarta ah lagu daaweeyo

Saraakil AMISOM ka tirsan oo booqday Xarunta dadka danyarta ah lagu daaweeyo

Ku-xigeenka Ergayga Khaaska ee Ururka Midowga ee Arrimaha Somalia iyo Hawlgalka AMISOM, Simon Mulongo waxa uu soo booqday Askarta Ciiddanka AMISOM ee dhaawacan iyo dadka rayidka ee lagu daaweynayo Isbitaalka AMISOM 2 oo ku yaalla Xarunta Xalane ee magaalladdan Muqdisho.

Mas’uulkaasi oo uu socdaalkiisa ku wehliyey Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Guuto Michael Kabango waxa uu deeq gaarsiiyey dadka Bukaanka ah, wuxuuna u rajeeyey inay ka soo kabtaan dhaawacooda.

Simon Mulongo waxa uu Dhakhaatiirta Isbitaalkaasi uga mahad celiyey daryeelka wanaagsan ee ay u fidiyaan Bukaanadda, wuxuuna intaasi ku daray inay AMISOM sii wadi doonaan in wax laga qabto caqabadaha soo wajaha Isbitaalka, si loo dhowro tayada Adeegga Cafimaadka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com