Saraakiisha Ciidamada nabadsuigadda dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo faahfaahiyay isku day qarax oo la fashiliyay.

Mogadishu, May 09 – Hay?adda Nabadsugidda ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahisay howlgal ay ciidamadu ku fashiliyeen weerar qarax oo ururka Al-Shabaab uu doonayay inuu ka fuliyosaldhig ay ciidamada dowladda Burundi ku leeyihiin deegaanka Ex-controll Afgooye.

Taliyaha ciidamada dowladda KMG ee Ex-control Afgooye Axmed Cabdilaahi ayaa u sheegay barnaamijka Caawa iyo Daljir ciidamada dowladda inay soo qabteen nin xirnaa jaakad ay ku jireen walxaha qarxa islamarkaana doonayay inuu isku qarxiyo ciidamada Burundi eek u jira howlgalka AMISOM.

Taliyaha ayaa xusay baaritaano dheer oo ay sameyeen kadib, inay qarxiyeen jaakadda ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana uu weli xiranyahay ninka qaraxa lagu soo qabtay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horey ka fulisay magaalada Muqdisho qaraxyo ismiidaamin ah oo ay ku le’deen saraakiil dowladda KMG katirsan iyo dad shacab ah.

Diiwaanka Wararka
Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com