Saraakiil UNKA kasocda oo gaaray Magaaldda dhuusomareeb (Sawiro)

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta gaaray wafdi ka socda Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka ah.

Saraakiishaan oo dhanka ammaanka qaabilsan, ayaa ujeedka ay u tageen Magaalada Dhuusamareeb waxa ay la xiriirta ka qayb galka xiritaanka Shir amniga ku saabsanaa oo maanta lagu soo gaba gabeynaayo Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Axadii Magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirkaan amniga ku saabsan.

Waxaa ka qaybgalaya Shirkaasi Saraakiil ka tirsan Amisom iyo Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug, iyadoo lagu gorfeynaayay sida ugu haboon ee Shabaab looga saari karo dhulka ay ku sugan yihiin ee deeganada Galmudug.

Shirka amniga Dhuusamareeb, ayaa la filayaa in maanta la soo xiro kadibna laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan go’aanada ka dhanka ah Shabaab.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com