Saraakiil militariga Qatar katirsan oo ku sugan Muqdisho (sawiro)

Saraakiil militariga Qatar katirsan oo ku sugan Muqdisho (sawiro)

Saraakiil ka tirsan Taliska Milateriga dalka Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaa hoggaaminayay Jeneraal lagu magacaabo Maxamuud Al Qasaal.

aliyaha Ciidanka xoogga dalka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa wafdigan ka socday Milateriga dalka Qatar ku qaabilay Xafiiskiisa.

Kulan labo dhinac ah oo ay yeesheen Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiisha Milateriga Qatar oo uu wehliyay Safiirka Qatar ee Muqdisho ayaa looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Ciidanka xoogga iyo kuwa Qatar.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in kulankan uu la qaatay saraakiisha ka socotay Milateriga Qatar uu ahaa mid looga hadlayay wada shaqeyn iyo iskaashi u dhex mari lahaa labada dhinac.

Jen. Maxamuud Al Qasaal ayaa sheegay in Qatar ay ka caawineyso dowladda Soomaaliya dhismaha iyo Tababarada Ciidamada Qalabka Sida.

Qatar ayaa aad ugu dhow dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa horay ugu fidisay taageero dhaqaale, inkastoo mashaariic horay u balan-qaaday aanay fulin, hadana waxaa loo arkaa maalgeliyaha ugu weyn ee xilligan ku leedahay dalalka Carabta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • nuurkanederland 5 years ago

    QATAR WELI WAXAY WADNAHA FARTA KAGA HAYSAA INAAN XULAFADA SACUDIGA KA RAACNO.LKN MAYA!!.
    SAUDI ROYAL FAMILY ex JEWISH FAMILY 100%.
    QOYSKA BOQORTOOYADA SACUUDIGA ASAL AHAAN WAXAA LAGU SHEGAA INAY KASOO JEEDAAN YUHUUD.WAXAANA SAMEEYEY BOQORTOOYADAAS REER GALBEED FRANCE,UK,USA.
    CAJIIB XOG LAHELEY IGA DHEH.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com