Saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo tababar dalka Spain lagu soo gabagabeyeey

Saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa tababar ku saabsan Maareynta Xuduudaha iyo Qiimeynta khataraha Socdaalka ayaa waxa uu ugu soo gabagaboobay dalka Spain.

Tababarkan oo socday muddo labo todobaad ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galayay xubno Saraakiil ah oo ka kala socday dalalka
Cape Verde, Angola iyo Libya.

Agaasimaha Iskuulka tababarada Booliiska dalka Spain iyo madax ka socotay Hey’adda Frontex oo ah Hey’adda soo qabanqaabisay tababarkan ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay Saraakiisha ka qeyb qaadatay tababarka


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com