Site icon Radio Daljir

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS oo Tababar logu qaaday Tanzania

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo gaaray 6 sarkaal ayaaa manta tababar loogu diray magaalada Moshi ee Dalka Tanzania.

Tababarkan oo socon doona 26 February _ 02 March 2018 ayaa waxa lagu baran doona hubinta dukumintiyada been abuurka ah iyo kala saarida dadka wata basaboorada isku e-kaanshaha ah (imposter).

Ku xigeynka agaasimaha Guud ee Hay’adda Ibrahim Xuseen oo sii sagootiyay saraakiishan ayaa waxa uu kula dardaarmay in ay si wanagsan u soo bartaan tababarka loo diiray oo ah mid muhiim ah oo looga hortagaayo in dad wata dukumintiyo sharci daro ah ay ka dhoofaan dalkeena.

Exit mobile version