Saraakiil ka tirsan Ciidamada Somaliy iyo Masar oo ku kulmay Qaahira

 
Burtinle, 25, Febru, 2016 -(Daljir)_Taliyaha ciidanka xoogga Somaliya Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa kulan kula qaatay magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas, taliyaha guud ee ciidanka s/guud Mohamud Hijaali iyo saraaakiil sare oo ka tirsan ciidanka dalkaas, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageerada dhanka ciidamadda ee dawladda Masar ay siiso Soomaaliya sidii loo kordhin lahaa.
 
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dalkaas, wuxuna tilmaamay in booqashadani ay sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan, isagoo xusay Masar taariikh fog oo iskaashi ciidan ah in uu kala dhexeeyo Soomaaliya.
 
“Waxaan u mahadceliyaa dawladda iyo shacabka Masar sida diiran ee aniga iyo wafdigii ila socday ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen, safarkan waa midkii ugu horeeyey ee intii aan xalka hayay dibedda ku imaado, waxana aan ku imid Masar, taas oo cadeynaysa sida ay nooga go’an tahay in xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca ciidamada kor loo qaado” ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka s/gaas Maxamed Aaden Axmed oo intaas raaciyey “Masar waa halkii aan ugu baxay kuliyadda dagaalka 1969-kii dufcadii 55-aad, waana saaxiibka koowaad ee Soomaaliya .
 
Taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Masar, s/guud Mohamud Hijaali, ayaa sheegay in Masar si buuxda u garb taagan tahay dib-u- dhiska ciidanka xoogga, ayna ku bixin doonan maskax iyo maal.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com