Sannadkii 1950 Muqdishu iyo Dubai iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida

Marmarka qaarkood wax yar baa damiirka muwaadinka dhaqaajiya, sidaas darteed masawirka kore markii aad ka bogatid, su’aalaha hoose waa kuwo mudan in qof kasta oo Soomaali ahi uu isweydiiyo:

    1. Maxaa Soomaali faceed ka reebay?
    2. Maxaa ku dhacey aqoonyahankii Soomaaliyeed?
    3. Aniga doorkaygii aaway?
    4. Dadka Soomaaliyeed ma laga waayey hoggaan dadkiisa jecel, carrutiisa u hiilliya, cadowgana ugu yeera “cadow?”
    5. Haddii shalay la isku keen direy oo qoryo la isugu keen dhiibey, aan se shalay moogeyn, maanta se garoowsanay, ma garan weynay in aan maanta isku hiillinno, carruurteena u hiillino, si carruurteenu 30 sano kabacdi noogu faanaan, dalkooda iy dadnimadoodana ugu faanaan?
    6. Ficilkaaga suubban ee maanta waa kan carruurtaada berri u hiillin kara

Haddii hoggaankii iyo dhammaan astaamihii qaranimada Soomaaliyeed sida maanta socota loo aflagaadeynayo, Qaranimadii Soomaaliya sidan loogu tumanayo, Soomaali iyo Soomaaliya waxba loolama harin, loolamana hari doono, sidaas darteed sida aqoonyahan Abuukar Arman uu horey ugu yiri qoraalkiisii “Damiirka xanuunsanaya ee Muslimiinta“, war Soomaaliyoow “fikir la imoow oo talo dhaxal-gal ah qorshee ama si fudud u baa’ba!”

Diiwaanka Daljir

Radio Daljir


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

One response to “Sannadkii 1950 Muqdishu iyo Dubai iyo damiirka xanuunsanaya ee Soomaalida”

  1. Hurdo

    Somalia halugu boka Japan lagudhoftey okalee waxa kujira ferris

U Jawaab Hurdo Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com