Sanad guuradii 50’aad ee aasaaskii ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

?

Muqdisho, May 23, Xaflada lagu xusayay sanadguurada 50’aad ee aas?aaskii ururka ?Midowga Afrika ayaa lagu qabtay dugsigii hore ee tababarka ciidamada ee Xalane waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna ?duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur ??Tarsan?? ?wakiilka midowga Afrika u qaabilsan Soomaliya Maxamed An?if, wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya danjirayaal iyo marti sharaf kale.

?

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Ana?if oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda midowga Afrika iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ?midowga Afrika iyo howlgalada ay ciidamada midowga afrika ka wadaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay aas?aasayaashii ururka midowga Afrika islamarkaana ay marti geliyay mid ka mid ah shirarkii ugu horeeyay ee Midowga Afrika wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in dowlada Soomaaliya ay dhawaan shirka midowga Affrika ku martigeliso Muqdisho.

Midowga Afrika ayaa la aas?aasay sanadkii 1963-dii iyadoo Soomaaliyana ay ka mid aheyd wadamadii as?aasay ururkaasi oo markii hore la oranjiray ururka midnimada afrika iyadoo loo bedelay midowga Afrika. ?A.U.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com