Sanaag: Puntland oo qaramaysay sideed boqol oo askari iyo guddoomiye gobol oo kasoo goostay Somaliland (dhegayso)

Magaalada Balli-busle ee gobolka Sanaag ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad wayn oo lagu soo dhoweynayo ciidamo, saraakiil iyo guddoomiyihii gobolka Sanaag ee Somaliland Cali Xuseen Soomaali.

Xafladdan ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobodaareed, wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, taliyaha booliska Gen Muxyadiin Axmed Muuse iyo saraakiil kalle.

Munaasbaadda ayaa laga sheegay inay dowladda Puntland qaramaynayso ciidamo gaaraya sideed boqol oo goobta lagu soo bandhigay, waxaana sidoo kalle ay dowladda Puntland ay sheegtay in bulshada gobolka looga baahanyahay inay isku duubnaadaan.

Maamulka Somaliland ee gooni goosadka ayaa waday dadaal uu ku doonayay inuu isku fidiyo gobolka Sanaag.

Nabadoon Cabdqani Maxamuud Faarax oo ah afhayeenka nabadoonada gobolka Sanaag ayaa wariyaheena Maxamuud Cabdi Ibraahim u waramay.

Hoos ka dhegayso.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com