Saldhiga Booliska Baardheee oo Dib loo dayactiray (dhegayso)

Saldhiga Booliska Baardheee oo Dib loo dayactiray (dhegayso)

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ,islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan degmada Baardheere,Mas,uuliyiinta Maamulka degmada iyo Saraakiisha laamaha kale duwan ee Ciidamada ayaa lagu qabtey Saldhiga Booliska degmada Baardheere oo mudooyinkanba ay ka socotey Dayactir iyo Qalabayn.

Col,Maxamuud Cali Axmed(Maxamuud Yare) oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo oo ka hadlayey xafladii Dayactirka Saldhiga ayaa sheegay dib u habaynta lagu sameeyey Saldhiga in ay iska kaashadeen Maamulka degmada iyo Saraakiisha Booliska,waxaana uu sheegay in Saldhiga hadda uu yahay mid si wanaagsan loogu shaqeyn karo, islamarkaana laga hergeliyey Qaar ka mid ah Qalabka muhiimka u ah shaqooyinka Booliska,sida raadiyayaasha,Computaro,Mootooyin,Direyska Ciidanka iyo Soolarka cad ceeda ku shaqeeya.

Ismaaciil Sh Cabdi Qorax (Koofi) oo ah ku simaha Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa ku amaanay Taliyaha Qeybta isku dayga balaaran ee uu ku dayactirey Saldhiga iyo Qalabka uu keenay,Adeegyadaasi oo laf dhabar u ah shaqooyinka Booliska uu qabto ayuu sheegay in wax weyn ay ka tari doonaan baahida booliska iyo howlaha lagu sugayo amaanka deegaanka.

Hadaba waa kuwaan qaar kamid ah Hadaladii laga jeediyay Xafladda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com