Saldhig ay Ciidamada Maraykanka ku lahaayeen Kismaayo oo la balaariyay

Isniin_22_(Daljir)_Iyadoo Ciiddanka Maraykanka qeyb ka yahay Hawlgalladda lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab ayaa waxaa soo baxayo inay Milliteriga Maraykanka kordhinayaan joogitaankooda dalalka Somalia iyo Kenya.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray inay Maraykanka xoojinayaan Saldhigga Milliteri ee ay ku leeyihiin magaalladda Kismaayo.

Ilo-wareed ayaa u sheegay Wargeyska inay Ciiddanka Maraykanka saldhig ku lahaayeen Dekedda Kismaayo tan iyo sannadkii 2013-kii,  balse uu Saldhigu si  buuxda u hawl bilaabay dabayaaqadii sannadkii hore ee 2014-ka.

Saldhigaasi ayaa la sheegay inay Milliteriga Maraykanka u adeegsadaan dhinaca Sirdoonka iyo fulinta duqeymaha lala beegsanayo Hoggaanka Alshabaab, iyadoo ay Saraakiisha Milliteriga Maraykanka ee ka hawlgala Saldhigaasi kordhiyeen baahida dhinaca Taageeradda iyo La-shaqaynta Dowladaha Somalia, Kenya iyo AMISOM si loola dagaalamo Jihaadistayaasha shisheeyaha ee ka tirsan Alshabaab.

Bishii May ee sannadkan, Hay’addaha Maraykanka ee La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda waxau sheegeen inay 40  Muwaadiniin  Maraykan ah ku biireen Dagaalamayaasha Alshabaab, kuwaasi oo badankooda Alshabaab ugu qaabilsan dhinaca Warbaahinta, gaar ahaan Muuqaalladda Video-ga ee sida Online-ka loo soo dhigo Internetka.

Xigasho

http://standardmedia.co.ke/article/2000166552/foreign-jihadists-on-kenya-watch-list?articleID=2000166552&story_title=foreign-jihadists-on-kenya-watch-list&pageNo=2

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com