Safirka Turkiga ee Somaaliya oo Muqdisho ka duulay

Safirka Turkiga ee Somaaliya oo Muqdisho ka duulay

Safiirka Turkiga u fadhiyay Somaliya Olgan Beker ayaa ka dhoofay magaaladda Muqdisho, kadib markii ay dhamaatay muddo xileedka shaqe ee danjiranimo ee Soomaaliya ay ka dhamaatay.

Danjiraha waxaa munaasabad Sagtootin u sameeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya

Wasiiru dowlaha ayaa Danjire Olgan Bekar ku tilmaamay inuu ahaa saaxiib wanaagsan iyo taageere xiriirka diblomaasiyadeed ee wejiyada kala duwan leh ee u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara. Bekar, Safiirka muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay, ayaa tixgelin weyn ka helay Soomaalida ha noqdeen dowladda iyo shacabkaba muddadii afarta sano ahayd ee uu howlgalayay.

Safiirka ayaa aad uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal ee walaalaha ah uu hore u sii socon doono si sugan oo ay ku jirto danta labada dal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com