Site icon Radio Daljir

Safiirkii dalka Talyaaniga oo lagu dilay Congo

Safiirkii ufadhiyay dowladda Talyaaniga dalka Congo Amb luca Attanasio ayaa lagu dilay magalaada lagu magacaabo Kanyamahooro oo kutaala bariga dalka Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Koongo, taas oo loo soo gaabiyo DRC.

Dableydii hubaysneyd ee dooneysay in ay afdoobato Safiirka ayaa sidookale weerarkan ku dishay Askarigii ilaalada u haaa Safirka iyo Darawalkiisii sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada ee dalka Talyaaniga.

Ilaa iyo haatan majirto cid sheegtaya mas’uuliyada weerarkan.
Xasan Heykal, Daljir Garoowe.

Exit mobile version