Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo Garoowe soo gaaray

Garowe, Apr 1 -Safiirka dowlada Turkiga ee Soomaaliya Camelettin Koni Torun ayaa markii ugu horaysay soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Danjiraha oo ay wehliyeen madax ka tirsan safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa inuu magaalada Garoowe kula kulmo madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo madax kale duwan.

Booqashada danjiraha ayaa waxaa lagu macneeyay inay gogol xaar u tahay socdaal la filayo inuu ra?isal wasaaraha Turkiga Raceb Dayib Urdugan inuu ku yimaado Puntland,socdaalka r/wasaaraha Turkiga ayaa la sheegayaa inay ahmiyad siin doonto wadatashiyo la xiriira iskaashiga iyo horumarinta gobolka oo dhexmaraya dowladda Puntland,DFKMG Soomaaliya iyo dowladda Turkiga.

Danjiraha ayaa dhowaan booqday magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland, halkaasi ayaa waxaa ku qaabilay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com