Safiirka Somaalida Koonfur Africa oo ka hadlay dhibatooyinka loo geeysto somalida dalkaas kunool

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koofun Afrika, Jamaal Maxamed Barroow oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaalida loo geysto, gaar ahaan dilalkii ugu dambeeyay ee laga beegsanayay ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa ugu horeyn waxaa uu xusay weeraradii sanadkii tagay lagu dilay Soomaalida ku nool Koonfur Afrika inay ahaayeen kuwa ka badan sanadahii la soo dhaafay marka loo eego Tirada ganacsatada ee halkasi.

Waxaa jira walaac badan oo laga muujinayo qaabka ay u dhacayaan dilalka cusub ee Soomaalida loogu geysto dalkan Koofur Afrika, waxaana jirtay toogasho uusan dhac wehlin, taas oo ah qaab ku cusub weerarada ay geystaan kooxaha burcadda ah sida uu sheegay Danjire Jamaal Barroow.

“Dilalkaasi waxaa kusoo kordhay hada oo keentay in aan saxaafada la hadalno muujina dareenka shacabkeena waxaa uu yahay ,dilalka markii hore jeedo ayey lahaayeen waxaana aheyd in dhac loo geysto Soomaalida lakiin hada toogasho toos ah ayaa dhacday ayada oo aan waxna laga qaadan qofkii la dilay,waa arin ujeedo gaar ah wadata oo u baahan in la baaro”


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com