Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo Baydhabo ku sugan

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo Baydhabo ku sugan

Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ah Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, ayaa maalintii 3-aad booqasho ku jooga Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah Koonfur Galbeed.

Booqashada Safiirka ayaa waxay la xiriirtaa, sidii loo dardar gelin lahaa iskaashiga ganacsi ee labada dhinac, horumarinta waxbarashada, amniga iyo sidii loo hirgelin lahaa wado isu xirto Degmooyinka Baraawe iyo Doolow.

Danjire Jamaaludiin Mustafa, Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa Arbacadii Magaalada Baydhabo kula kulmay ganacsatada Koonfur Galbeed, Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada.

Safiirka ayaa markii uu kulamadaasi soo geba-gabeeyay waxaa uu kormeer ku tagey Xarunta Telefishinka Koonfur Galbeed, xilli uu wehlinaayay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), iyadoona uu halkaasi shir jaraa’id ku qabtay.

Shirkiisan jaraa’id ayuu Safiirku ku faah faahiyay waxyaabihii uu kala hadlay dhinacyadii uu la kulmay, dibna uu ugula noqon doono Madaxda Dowladda Itoobiya, si loo fuliyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com