Safiir Tarsan oo ka horyimid go’aamo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka DFS

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hor-yimid go’aan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kaasoo Hey’addaha Caalamiga ku wargelisay in dhamaan shirarkii iyo Siminaaradii lagu qaban jiray Nairobi laga wareejiyo.

Amb. Tarsan ayaa sheegay in waxyaabaha arrimaha dibadda ku saabsan aanan Wasaarad kale laga warsaneyn, isagoo xusay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay hoggaamiso siyaasadda arrimaha dibadda.

“Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada,wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto,waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya, mar aanu kulan jimcihii wasiiradda arimaha dibada Kenya Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saaratay Soomaaliya”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC.

Waxaa uu ka hadlay shir ka dhacay magaalada Nairobi oo lagu xusayay sanad-guurad UN Habitat, kaasoo markii u horeysay Afrika lagu qabtay, waxaa shirkaas ka qeyb galay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo Soomaaliya ay shirkaas u matalayeen Wasiirka Howlaha Guud, Safiir Tarsan iyo Mas’uuliyiin kale.

“Shirkani wuxu ahaa sanad guuradii UN- Habitat oo markii u horeysay lagu qabtay Afrika, waxa furay madaxweynaha dawlada Kenya Uhuru Kenyatta, Soomaaliya waxa laga casuumay Gudoomiyaal badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dibu dhiska, Gudoomiyaasha qaar ayaan iman iyo aniga oo ka socday saafarada, muhiimada ugu wayn ee looga hadlay waxay ahayd magaalaynta dadkii ka soo tagaya Miyiga” ayuu yiri Safiir Tarsan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com