Safaaradda Somalia ee Ciraaq oo Dib loo Furay

Jimco, Oktoobar 16, 2015 (Daljir) —Magaalada Baqdaad ee xarunta wadanka Ciraaq ayaa mudo 25 sano kadib waxaa dib looga furay safaaradda Soomaaliya ee wadanka Ciraaq, oo kamid ah dalalka Carbeed ee ay xiriirka lahaayeen dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig jarka Safaaradda ayaa waxaa ka qaybgalay  Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Dalka Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo Xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Dalka, Ciraaq, iyadoo halkaasi goob joog ay ka ahaayeen, Danjiraha Somalia ee Ciraaq, marwo Khadiija Al-Makhsuumi Soomaaliya ee dalka Kuwait, Maxamed Sheekh Amiin, guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Somalia, C/qaadir Cosoble Cali.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com