Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv oo todobaadka dambe loo rarayo Qudus

Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv oo todobaadka dambe loo rarayo Qudus

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay liiska xubnaha uga qaybgalaya xafladda todobaadka soo socda ee lagu rarayo safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loona rarayo magaalada Jerusalem, iyadoo madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu ka qaybgali doonin.

Aqalka Cad ayaa u saaray ka qaybgalka munaasabadda oo dhici doonta 14ka bishaan May ama todobaadka soo socda gabadha madaxwayne Trump Ivanka, wiilka uu sodoga uu u yahay Jared Kushner iyo xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.

Safiirka Mareykanka ee Israil David Friedman iyo wakiilka Bariga Dhexe ee Trump Jason Greenblatt, ayaa iyaguna ka qaybgali doona munaasabadda.

Bishii December ee sanadkii hore ayuu madaxwayne Trump ku dhawaaqay inuu safaaraddiisa Tel Aviv uu u rarayo magaalada Qudus (Jerusalem) , iyadoona uu u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israil.

Go’aanka Mareykanka ee caasimadda Israil uu ugu aqoonsaday Qudus ayaa waxaa siwayn uga carooday Falastiiniyiinta iyo bulshooyinka dunida intooda badan.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    HABAR ALLA BARIDAY MOORADEEDAY KA ARAGTAY!.
    QUDUS WAA QALBIGA MUSLIMIINTA WAXAANA FIIRSANAYA LABO BILYAN OO MUSLIMIINTA DUNIDA AH. . SIYAASADA INDHA LA’AANTA AH EE DONALD TRUMP DUNIDA QALQAL BAY GELIN DOONTAA! & IN MUSLIMKU KU DHAWAAQO JIHAAD YAA MUSLIMIIN.
    D.TRUMP WAXAAN LEEYAHAY (INTAADAN FALIN KA FIIRSO.)
    QUDUS MA SEXEEXI KARAAN XAASASKA MARAYKANKA EE KALA AH:-MASAR,SACUUDI,UAE,BAXRAYN IWM.
    `UURAYSATAYE BAL AAN EEGNO WAXAY UMULI DOONTO`

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com