Sadio Mane oo noqday Ciyaaryanka ugu wanaagsan Qaaradda Afrika

Sadio Mane oo noqday Ciyaaryanka ugu wanaagsan Qaaradda Afrika

Ciyaaryahanka kooxda Liverpool, una dhashay dalka Senegal Sadio Mane ayaa ku guulesytay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Qaaradda Afrika sanadka 2019-2020.

Sadio Mane ayaa abaal marinta waxaa gudoonsiiyey xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika.

Ciyaaryahan Sadio Mane ayaa waxaa abaal marinta kula tartamayey ciyaaryahanada kala ah Mohamed Salah oo u dhashay dalka Masar iyo Riyad Mahrez oo u dhashay Algeria una ciyaara Manchester City,

Sadio Mane ayaa ku muteystay abaal marintan, kadib markii naadigiisa Liverpool uu ka caawiyey hanashada koobka Champions League sanadkii 2019, sidoo kale xulkiisa Senegal ka caawiyey in uu geeyo fiinalka koobka Qaaradda Afrika.

Sadi Mane waa markii ugu horeysay ee uu abaal marintan ku guuleysto, waxaa sanadihii 2017 iyo 2018 ku guuleystay ciyaaryahan Mohamed Salah oo Liverpool u ciyaara.

Diiwanka Wararka

Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com