Sadiiq Khan oo ka qayb galay Tacsi iyo baroordiiq loo sameeyay Marxuum En. Yariisow

Duqa magaalada London Sadiiq Khan ayaa ka qeyb galay Munaasabad Tacsi iyo baroor diiq ah oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK ay u sameeyeen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan oo horaantii bishan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta Gobolka.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Qoyska Marxuum Yariisow oo uu hoggaaminayay wiilkiisa Maxamed Cumar Yariisow, qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ku nool UK.

Duqa magaalada London Sadiiq Khan ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska geerida Marxuumka, sidoo kale waxaa uu sheegay inay sharaf u aheyd inuu ka qeyb galo munaasabadda xuskan, isagoo xusay inay ku xusuusan doonnaan geesinimadiisa, niyad wanaaggiisa iyo mustaqbalka wanaagsan.

Allaha u naxariistee Eng. Yariisow ayaa muddo dheer ku noolaa magaalada London, wuxuuna kaga jiray dadka kaalinta firfircoon ku lahaa qurbo joogta Soomaalida magaaladaas ku noolaa, isagoo ka noqday Hoggaamiye bulsho iyo maamule iskuul, sidoo kale wuxuu madax ka ahaa Ururka u dooda xuquuqda Soomaalida ee UK, Somali Concern Group ee UK.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com