Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Gary Hill waa Kabtanka Chelsea (dhegayso)

Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Gary Hill waa Kabtanka Chelsea (dhegayso)

Tababaraha kooxda Chelsea,Antonio Conte, ayaa shaaca ka qaaday kabtanka cusub ee kooxda kaddib markii uu John Terry ka baxay Stamford Bridge. Waxa uu yiri “Gary Cahill waa kabtanka cusub ee kooxda, waxa uuna leeyahay dabeecadii, khibradii iyo waliba waqtigii dheeraa ee uu Chelsea ku soo qaatay.”

Kooxda PSG ayaa iyana u muuqatay in ay qarka u saaran tahay dhamaystirka heshiiska xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Arsenal Alex Sanchez.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

 

 

 

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com