Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni:

Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni:

Ciyaaryahan Neymar Jr ayaa dhameystiray heshiis rikoorka adduunka jabiyey ah oo gaaraya 222 milyan Yuuro uu uga soo wareegay kooxda Barcelona, kuna biiray Paris Saint-Germain (PSG).

Kooxda PSG ayaa dhameystirtay heshiiska xiddiga Brazil kaddib markii ay bixiyeen fiiga madaxfurashada ee lagu burburinayay qandaraaskii Barca, taas oo ah in ka badan labo jibbaar lacagtii hore loogu jabiyay rikoorka suuqa kala iibsiga, taas oo Neymar ka dhigaysa ciyaaryahankii adduunka ugu qaalisan.

Tabaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte, ayaa sheegay inay tahay wax lagu qoslo in Eden Hazard lala xidhiidhiyo Barcelona, waxa uuna sheegay in xiddiga reer Belgium uu ku faraxsan yahay joogitaankiisa Stamford Bridge.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

 

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com