Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRaxmaan Yamani (dhegayso)

Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRaxmaan Yamani (dhegayso)

Ciyaar Xiiso badan ayaa waxa ay garoonka Bandar Qaasim Staadiyam ku dhexmartay kooxaha Fc Bari iyo SBC. Ciyaartan ayaa ahayd mid go’aminaysay cida ku gulaysanayana horyaalka Puntland. Magaalooyinka Garoowe iyo Bosaaso ayaa laga sugayay natiijada, oo kooxda Garoowe City ay rabtay in laga badiyo kooxda FC Bari. Bal se taasi ma dhicin oo kooxda SBC ayaa looga badiyay 5:1, waxaana sidaas horyaalka Puntland ku noqday kooxda FC Bari.

Dhanka kale, ninka iska leh saamiga ugu badan ee kooxda Arsenal ayaa sheegay inuu qaar hantidiisa kooxda kala bixi doona, taas oo abuurtay shaki aan horay u jirin.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yamani oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso

  

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com