Saafaradda Maraykanka ee Somaaliya oo marti galisay Kulan Amniga looga hadlayeey (Sawiro)

Saafaradda Maraykanka ee Somaaliya oo marti galisay Kulan Amniga looga hadlayeey (Sawiro)

Safaaradda Mareykanka ee Soomaliya ayaa ayaa marti gelisay kulan amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab looga hadlayay oo dhex maray Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Kulankan ayaa shalay ka dhacay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Xerada Xalane, waxaana ka qeyb galay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Yamamoto, Taliyaha Howlgalada gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Anderson iyo Taliye kuxigeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Amb. Young.

Kulamadan oo ahaa mid wadajir ah ah ayaa Safiirka Mareykanka iyo saraakiisha Ciidamada Mareykanka la yeesheen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe iyo Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Sida lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kulankan ayaa looga hadlay iskaashi xoog leh oo dhex mara Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo saddexdan dowlad goboleed oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay Soomaaliya, kaasoo lagu dilay Saraakiil iyo dagaalamayaal, iyadoo sanadkan kaliya weerarada ay ka fuliyeen Soomaaliya uu aad u kordhay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com