R/Wasaare Sharma?arke oo sheegey in ciidamada AMISOM ay ka qeyb galayaan dagaallada Muqdisho. [Akhris …]

Muqdisho, July 05 – Ra?iisul Wasaaraha Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdulrashiid Cali oo maanta shir jaraa?id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa ka hadley xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka.

Ra?iisul Wasaare Sharma?arke ayaa waxaa uu sheegey in ay ka soo qeyb galayaan dagaallada ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, iyaga oo taakuleynaya dawladda KMG oo iminka u muuqda in looga sii awood badanayo dagaallada ka soconaya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxaa uu Ra?iisul wasaare Cumar Cabdulrashiid uu sheegey kooxaha dagallada ku soo qaadaya dawladda in ay yihiin kooxo nabad diid ah isla markaana ka soo horjeeda in xaaladda dalka Soomaaliya ay degto.

Waxaa uu xusey in xaaladda dalka Soomaaliya ay dawladda ay gacanta ku dhigeyso lagana awood badanayo kooxaha mucaaradka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadley shirkii dhawaantan ay ku yeesheen waddamada Affrika Magaalada Sirta ee dalka Libya, waxaa uu sheegey in xaaladda dalka Soomaaliya ay u soo jeesteen waddamada Afrikaanku isla markaana loo hurayo dalka Soomaaliya in ciidammo la keeno waqti dhaw.

Hadalka Ra?iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka sii socdaan dagaallo xooggan oo u muuqda in dawladda looga awood badnaanayo iyada oo laga qabsadey qeybo badan oo ka mid ah caasimadda.

Illaa iyo iminkana ma ay muuqato wax saan saan ah oo muujinaya in xasillooni ay noqoto Muqdisho oo u martidey toddobaadyo dhiig daadasho iyo colaado badan.

Cabdifataax Cumar Geeddi,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com