R/Wasaare Gaas oo xafiiska ku qaabilay wafti uu hogaaminayo Amb. Mahiga.

War-Saxaafadeed – Ra?iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminayey Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Ambassador Augistine Mahiga. Sidoo kale kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Ambassador Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ra?iisul Wasaaraha iyo Ergeyga gaarka ah ee XG ee QM ayaa markii uu soo dhamaaday kulankooda si wadajir ah ula hadlay saxaafada. Ra?iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay wafdigii QM kala hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen macluusha baahsan ee dalka ka jirta, guulaha dhanka amniga ee ay Dowladdu dhowaan Al-Shabaab uga xorreysay Muqdisho iyo shirka wadatashiga ah ee la filayo in bisha September la qabto. Ra?iisul Wasaarahu waxuu sheegay in QM ay ballanqaaday inay Dowladda ka saacido dhanka gar-gaarka bani?aadanimo iyo dhanka amniga.

Ra?iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu kala hadlay Ambassador Mahiga sidii ay QM u saacidi lahaayeen qorshaha lagu xasilinayo nabadda ee magaalada Muqdisho oo ay xukuumaddu wado. Waxuuna sheegay in Suuqa Bakaaraha lagu wareejiyey ciidanka Booliska si ay amnigii u sugaan oo loo soo celiyo kala danbeyntii.

Ambassador Mahiga ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in isaga iyo wafdigiisa ay la kulmeen Ra?iisul Wasaaraha kuna faraxsanyahay guulihii Sabtigii la soo dhaafay oo ay dowladdu caasimadda ka saartay Al-Shabaab. Mahiga ayaa ku nuuxnuuxsaday in QM ay diyaar u tahay inay Dowladda ka saacido sidii amniga loo soo celin lahaa, shacabka tabaaleysana loogu gurman lahaa. Mahiga waxuu sheegay in shirka soo socda uu muhiim u yahay Somalida lana rajeynayo in looga hadlo qorsheyaasha Dowladda iyo mustaqbalka Dalka.

Shirkan maanta ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay ka soo qeybgaleen guddiga diyaarinta shirka wadatashiga oo ka kooban qeybaha Dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Arrimihii ay sida gaarka ah uga wada hadleen guddigan ayaa waxaa ka mid ahaa agendaha shirka iyo sidii loo soo xuli lahaa xubnaha ka qeybgalaya shirka wadatashiga ah oo lagu wado inay ka soo qeybgalaan dhammaan qeybaha bulshada ay ka koobantahay.

Guddigan waxey isku af-garteen in kulamada la joogteeyo maalmaha
soo socda si horumar looga gaaro oo loo dhameystiro qabanqaabada kulanka.

+252615536608 +252699998854 [email protected] [email protected] Mogadishu, Somalia

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com