R/wasaare Gaas oo magacaabay 27 xubnood oo iskugu jira wasiirro-ku-xigeenno iyo wasiiru – dawlayaal.

Muqdisho, July 22 ? R/wasaraha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaliya ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay magacyada 27 xubnood oo iskugu jira wasiirro-ku-xigeenno iyo wasiiru-dawlayaal kuwaasi oo ka mid noqonaya xukuumaddiisa cusub.

R/wasaare Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ?Gaas? ayaa magacyada xubnahaan ka shaaciyey shir saxaafadeed uu ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya subaxnimadii hore ee saaka isagoo carabka ku dhuftay xulashadooda in uu ku saleeyey aqoon iyo waayo aragnimo dheer oo ay u leeyihiin hawlaha loo igmaday.

Xubanaha uu magacaay R/wasaare Gaas ee ka mid noqonaya golihiisa xukuumadda ayaa iskugu jiray 18 wasiirro-ku-xigeen oo ka hoosayn doona 18-kii wasiir ee oo horay u magacaabay iyo 9 wasiiru-dawle oo qaabilsanaan doonno wasaarado gaar ah, marka laga reebo hal wasiiru-dawle uu si gaar ah u qaabilsanaan doona madaxtooyada.

Xubnaha uu maanta ku dhawaaqay R/wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa iskugu jira kuwo ku cusub golaha xukuumadda intii ay jirtay dawladda federaalka ahi, halka kuwo kalena ay yihiin rag horay xilal u soo qabtay iyo xubno ka mid ah baarlamaanka.

Liiska wasiirro-ku-xigeennada iyo wasiiru-dawlayaasha.

Wasiiru-dawlayaal.

1-Mudane C/casiis Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Xafiiska Madaxweynaha.

2-Mudane Xaamid Sheekh Cali Maasheeye Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

3-Mudane Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

4-Mudane Maxamed Maxamuud Aadan Indha geelle Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

5-Mudane Sheekh Aadan Maxamed Deer Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta .

6-Mudane Maxamed Axmed Kaamil Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

7-Mudane Maxamed Axmed Kaynaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshedaha
.
8-Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka,Dhulka,Badda iyo Dekedaha.

9-Mudane C/kaafi Macalin Xasan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska.

Wasiirro-ku-xigeenno

10-Mudane Axmed C/laahi Xuseen Fanax iyo Mudane Xasan Maxamed Ibraahim Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Garsoorka arimaha Diinta iyo Awqaafta.

11-Mudane C/raxiin Cabdi Abiikar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

12-Mudane Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

13-Mudane Khaliif C/kariin Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

14-Mudane C/xakiin Cige Guuleed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

15-Mudane Cali Dirir Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta.
16-Marwo Luul Cabdi Aadan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska.

17-Mudane C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Mudane Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.

18-Mudane Macalin Cali Aadan iyo Mudane Faysal Xuseen Daahir Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Caafimaadka.

19-Mudane C/laahi Bille Nuur Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

20-Mudane Daahir Xaaji Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada,Dhalinyarada iyo Isboortiga.

21-Mudane Axmed Xasan Aadan iyo Mudane Ibraahim Shukri Sheekh Aadan Wasiir ku-xigeenada Kalluumeysiga,kheyraadka Badda iyo Bay,ada.

22-Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka,dhulka iyo Dekedaha.

23-Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Mudane Ibraahim Suleymaan Xaaji Nuur Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta.

24-Mudane Xareed Xasan Cali Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud,guryeynta iyo Dib u dhiska.

25-Mudane C/laahi Dool Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Batroolka.

26-Mudane C/qaadir Maxamed Barre iyo Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare.

27-Mudane Cali Nuur Ducaalle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com