R/wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya iyo wefti uu hogaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Muqdisho,Jan 14 -R/wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya Dr Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho,kadib safaro kale duwan oo ay ku tageen dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Weftiga R/wasaaraha ayaa waxaa kusoo dhoweeyey magaalada Muqdisho wasiiro iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya,waxaana loo galbiyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaliya ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiwali Maxamed Cali oo hogaaminayay wasiiro katirsan xukuumadiisa ayaa waxaa ay dalka Kenya uga qaybgaleen shir ay soo qabanqaabisay QM oo looga hadlay geedi socodka qorshe howleedka dowladda ee “Road Map”,waxaana safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti qayb ka ahayd casuumaad uu ka helay dhisiisa dalkaasi Jabuuti Dileeta Maxamed Dileeta oo ah R/w dalka Jabuuti.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com