Site icon Radio Daljir

R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali M. Gaas oo magacaabay guddiga gurmadda abaaraha iyo barakacayaasha.

Muqdisho, July 03 – R/wasaaraha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cabdweli Maxamed Cali \’Gaas\’ ayaa maanta magaacay guddi heer-qaran oo u xilsaaran u gurmadidda dadka la il-daran abaaraha iyo barakaca baahsan ee ka dhacay meel badan ee waddanka ah.

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa dhammaantood ka tirsan golaha xukuumadda ee siihaya xilalkii wasaaradaha dawladda kaddib markii uu is-casilay r/wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, kuwaasi oo u badan wasiirrada wasaaraha ugu miisaanka culus ee dawladda.

Shir jaraa\’id oo R/wasaaruhu maanta ku qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayuu ku shaaciyey magacyada xubnaha guddiga gurmadka abaaraha, isagoo wariyaashuna ay su\’aalo ka waydiiyeen qorshayaasha horyaalla guddiga uu magacaabay.
Faah-faahin dheeraad ah goordhaw ayaad heli-doontaan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir. http://daljir.com/

Exit mobile version