R/wasaaraha Soomaaliya oo u dhoofay dalka Kenya.

Mogadishu, Mar 29 -Raysal wasaaraha xukuumadda faderaalka ee Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Raysal wasaraaha ayaa la filayaa inuu ka qaybgalo kulan looga xaajoonayo horumarka dhinacyada Siyaasada, Ammaanka ee dowladda faderaalka Soomaaliya iyo hab sami u socodka qorshe howleedka xukuumadda ee Road Map.

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska siyaasadda QM ee UNPOS ayaa socon doona hal maalin sida uu sheegay raysal wasaaraha mar uu saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

R.w. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhinaca kale sheegay shirkan inuu dhici doono maalinta berito ah, iyadoona uu intaasi raaciyay shirkan inuu ahmiyad siinayo xukuumaddda KMG ah ee Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com