R/wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu laabtay muqdisho sheegayna in arrimaha gudaha wax badan laga qabanayo

Muqdisho,13 March,2013 Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabid Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafti uu hogaaminayo ?ayaa si wayn ?loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dib safar gudaha ah uu kaga yimid Puntland.

Ra’isalwasaare (Saacid) ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu safar ku yimid ?Puntland iyo Galmudug ?waxaana ?uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho isagoo ?sheegay inay xukuumadiisu culayska saarayso ka shaqaynta arimaha gudaha isagoo intaas ?ku daray inay jiraan xiligaan arimo badan oo wax ka qabasho ?u baahan=
Waxaanu aragnay in loo dhanyahay taageerada DFS iyo in lagu ?dhaqmo ?Dastuurka rasmig ah ee Soomaaliya waana ku faraxsanahay arintaas,sidaas waxaa yiri ra’isalwasaare (Saacid) mar uu ka hadlayey arimo la ariira kulamadii uu la yeeshay madaxda Puntland iyo masuuliyiinta ?deegaamadii kale ee ay soo mareen.
?
Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa dhinaca kale ka hadlay arimaha la xariira hoos u dhaca ku yimid lacagta shilin Soomaaliga isagoo sheegay inay saamayn wayn ku yeelanayso nolosha bulshada rayadka ah waxaana uu intaas ku daray inay wadaan dadaal balaaran oo arintaas wax looga qabanayo.
?
Dhinaca kale waxaa uu ra’isalwasaaruhu sheegay in la midnaynayo canshuuraha ?guud ee Dalka taas oo ay dhawaan meel mariyeen golaha xukuumada dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
?
Diiwaanka Wararka Daljir
(C,X.)
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com